Sanadkani waxa uu ahaa mid iigaara, daqiiqaduhu way tirsanyihiin, wax a hadhsana inuu noosoo galo sanadka cusub (2020),anagoo kusii jirna dariiqa Airpot Khartoum ee caalamiga ah, waxa ila socday sxbkey cali caqiiqi soomali ah,jawigu waxa uu ahaa mid qabaw, xiliguna jiilaal, hawaduna waxa aya kazoo dhacaysay dhinac kasta, taasi taasi oo nagu keentay inaanu xidhno daaqadaha gaadhiga, waxoogaa waan war-warsanaa, usafrida dawlad sid soomaaliya waa mid kor uqaada dad farabadan.
Waxaan ahaa sida caruurta kuwaasi oo rakaabka kamid ahaa fiir-fiirinaya xiisayn diyaarada itoobiya, markii aan bilawnay hawshii markaliya ayaan kacnay, xaga miisanka culayka lagu miisaamo,iyo suunanka boorsooyinka, safku waxa uu ahaa mid dheer, anagoo uguur-guuranayna galitaanka gudaha hoolka, Markii aan dhamaystirnay hawlihii qaanuuniga ahaa ee Airpotka,ugu danbayntii waxa aan galnay diyaarada, waxaan axsuustay qayb kamida riwaayadii (sendo) malmo maritaanada Africa taasoo soo baxaday labaatan sano in laga joogo :” diyaarada ayuu galay,shay qawtaala….shay wayn oo u eeg nibiriga…diyaaradii way socotay sifudud ayayna jawiga udhexmartay, waxaanay noqotay mid hawada ku gadhoodhay sida xidiq toogashada uu eryanayo shaydaan, waxay noqotay mid isku dheelitiran waqti kadib intay kacday waxayna noqotay qayb kamida ah space-ka.
Waxa iqaatay dareen ku raaxaysi fur-furnaasho iyo xiisayn si aan u ogaado qayb cusub oo kamid ah dhulka oo aanan hore u arag, cagtana aanan hore u dhigin, waxay ahayd cajiiba dareenkuna mid butaacaya sida dhibcaha biyaha oo kale,iyadoo dhiigayga dhex qul-qulaysa, waxaan ka tagay Khartoum xagayga danbe, iyadoo udabaal dagaysa soo galitaanka sanadka cusub,waan ka tagay, anigoo ka fikiraya, magaaladii aan jeclaaday, kagana imiday xagayga danbe, xaaskaygii , sxbday, waxay ahayd dareen iskugu jira farxad iyo murugo, shay u eeg(macaan qadhaadh) kaasi oo aan ka door bidno ramadaanta cabitaanada kale. Way socotay saacaduna waxay ahayd sadexdii aroornimo(badhtamaha habeenka).
Ma ahayn xidhiidhkayga aan la lahaa soomaalida mid cusub, waxaan wada ciyaarnay kubada, waantagnay iyo anagoo caruura kuna ugaadhsanaya shimbiraha leeb, waxaan ciyaarnay duumada, farfiira, taasi waxay ahayd magaalada jiddah ee boqortooyada sacuudiga,haddana mar labaad ayaan isku xidhanay ee geediga wax barsheed iyo baadhitaan cilmi ah, inbadan kama fikirin qoritaanka bariga Africa, waxa uu ahaa macalinkaygu prof.Axmed siciid mid inagu boorinayay in lagama maar-maan ay tahay qoritaanka is bar-bardhiga suugaanta bariga iyo galbeedka Africa,gaar ahaaneed suugaanta ku qoran luqada carabiga sababo la xidhiidha awgeed soo saaritaan badan oo suugaaneed, mid cilmi ah, qoraallo tayada qoraalada ee luqada carabiga, iyo suurtagalida isugaynta luqada iyo darafyadeeda, waxa uu ahaa prof ku mid booqday bariga iyo galbeedka Africa u istaagay una fiir-fiirsaday qoraaladan la dhigay, Waxa uu baadhitaaanku sidoo kale soo saaray dar-daarano iyo soo jeedin noqonaysa mid lagu darayo maktabada cilmiga ah.
Waxa laga qoray war bixin ku saabsan sheeko smali oo carabi ah, warbixinta istaraatiijiyadeed Africa ee sanadkii afraad(2019) eek a soo baxday xarunta baadhitaanka iyo diraasaadka ee Africa.
Sida qoraa kasta oo muhiimada saara arimaha suugaanta Africa, waxaan ahaa mid la socday qoraalada riwaai soomaaliga ah ee nuuradiin faarax iyadoo lagu tiriyo mid kamida hogaaminta qorida novels-ka Africa siguud ahaaneed, gaar ahaaneed bariga Africa, waxa kale oo maskaxdayda ku wareegayay tijaabada iskuulada quraanka galbeedka, badhtamaha iyo bariga Africa,diinta islaamku waxay ka qaadatay door muhiima xidhiidhka, iyo isdhex dhaqanka iyo horumarinta waxbarshada iyadoo loomarayo nidaamkii hore(khalawi,katatiib,masiid,deksi).
Qofka raac-raacaayi waxa uu helayaa dhamaan cida dhigatay luqada carabigu inay u noqonayaan asalkoogu iskuuladani ama sheikhyadii hore xataa kuwa waxbarashadooda ku dhamaystirtay Europe , maraykan ama shiinaha.
Fiiro gaar ahaaneed badana iskuulada laga aasaasay Africa waxa uu unoqonayaa mahadnaqu sheekhyadii hore si toosa hanoqoto ama si dadbanba.
Waxa uu ahaa safarka soomaaliya mid raaxo leh, waxaan dareemayay deganaan iyo raaxo waayo rakaabka diyaarada iyo intii aan joognay Airpot ka Adisababa waxay igula sheekaysanayeen aniga luqada soomaaliga, qofka soomaaliga ahi sida caadiga ah waa mid kaa yaabinaya waa qof naxariisleh, run law ah, dhawrsoon, haday ku jeclaatana kuu qarin mayso jacaylkeega, waa qof cafawi ah, dabiicadii baadiye nimo leh, siday tahay iskugu kazoo gud binaysa( qeexida naftiisa) iydoo aan nifaq iyo sheegasho waxaanu ahaynba aanay ku jirin, Haday ku nacdo kuu qarin mayso, ma awoodo inay badasho habdhaqankeega ama matalid, waa mid aan jeclayn in la amaano, waxa ku filan inaad u mahadnaqdo haddii ay kuu samayso shay wanaagsan,ma jecla iyagu inaad ku tidhaahdo( idinku Somali waxa aad tihiin bulshada ugu quruxda badan aduunka, ama dadka ugu wanaagsan dadka iyo aadanaha,ama bulshada ugu wanaagsan Africa , isla qofkaasi hadana waa mid aan jeclayn dhaleecaynta, hadaad rabtid inaad dhaleecaysid waa inaad digtoonaataa waa inaad habdhaca hadalka dhex galisaa weedhaha….
Waa qof aan garanayn nifaaqa , cabsida,aad iskugu kalsoon sidaa awgeed qofina madiidayo, lamanaan yaabin markaan helnay inay soomaalidu yihiin dadka guulaystay ee African-ka ah aduunka dhulka soomaaliya dibadiisa.
Waxaan xasuustaa markaan gaadhay Airpot-kii mogadisho, Airpotku waxa uu ahaa bid haligmay, dagaaladii hore, xukuumaduna waxa ay bilawday inay dib udhisto,waxa igu dhacday( ninka xisaabiyaha) inuu kula hadlay luqada soomaliga, waxaan ku idhi ku hadal carabi ama English, waxa is badalay wajigiisa, waxa uu bilaabay inuu su’aalaha igu badiyo ilaa uu igu yidhi(xagani istaag adigu, gacanta uu iigu fiiqay safka dhiniciisa, kaliyaata kula hadalka aan kulahadlay luqad eryaysa oo uu ka diiqadooday ninku waxana soo muuqday cadhadiisii. Markuu ogaaday inaanan soomali ahayn ee aan ku imid baaq jaamacada imaamu shafici madasha isku dabaridku iyo qorida waxaan ka helay soo dhawayn iyo xushmayn wayn.
Waxaan ka baxay dhinaca marista sibidhka wayn ilaa wadada mogadisho, waxa ii cadaatay inaan ahay qofka kaliya ee loogu yeedhay madashan, waxaanan ogaaday in qaar ka mida macalimiinta soomalidu ay socdaan qoraaladayda sxbdayda soomaalida ah inay ka qayb qaateen in badan qeexida soosaariday suugaanta iyo cilmigaba iyo qoraaladayda facebook ama whatsup iyo twitter taasoo ku dhiirigalisay inay maamulka jaamacadu imartiqaadaan,jawigu waxa uu ahaa cajiib, hawadu waxa ay ahayd heersare ah, waxaan ahaa mid ay farxadi dabooshay arkay oo aan daawaday badda…… anagoo saran diyaarada, waxaan dareemay dareenka ilmaha yar ee naaska jaqaya marka uu bogga ka galo hooyadii,Iyaduna ay la ciyaarayso, waxay hayd dareen aan la sifayn karayn, waxaan ogaaday in la iigu fidiyay baaqa tijaabooyinkayga qoritaaneed, iyo inaan ka mid noqdo xubin qabanqaabada mu’tamarka sheikh mucalim maxamed nuur siyaad, iyo fikirka ururka tasawufka ee somaliya.
Maaalintii kowaad waxaan kormeer ku tagnay koobsaday booqashada qaybaha mu’asasada nuur iyo maamulada hoosyimaada dhismayaasha iyo iskuulada iyo wixii lamida(iwm),waxaan bilaabay inaan ku fikiro dadaalkan wadciga soomaaliya oo adag, waxa kale oo aan arkay sida sheikh nuur uu ugu wayn yahay taageerayaashiisa iyo bulshadiisa in kastoo waqti kasoo wareegay dhimashadiisii, waxa uu geeriyooday sanadkii (2009).
Waxa uu leeyahay dad jecel oo aad ubadan, dhinac aasaasaha iskuulada quraanka iyo malcaamadaha waxay koobsatay dadaaladiisu sidoo kale dhinaca siyaasada,bulshada iyo saqaafada.
Sidaa awgeed arinta qoritaanka tijaabada waxbarshada iskamiga ah ee taqliidigu Africa waxay ahayd mid adag waayo waxay ubaahnayd booqashooyin fields-ka ahoo laga maarmaan ay ahayd in la sameeyo kobcin qalabka waxbarashada.
Waxay ahayd fikrada ka qayb galku mu’tamarku warqad cilmi ah oo ku saabsan tasawufka iyo tacliinta islaamka ee qadiimiga ah waa tan ugu culus waxa kaloo ku saabsanaa booqashada, muuqaalku waxa uu ahaa mid aad iiso jiitay,waana tan ugu awooda badan ee igu sawirnayd.
Waxaan qaatay maalmo qurux badan, caanaha geela,waqtigaygana waxaan ku qaadanayay cunto fudud oo looxa ah, canbuulo qaalida waxa la cunaa sida caadiga ka hor cunta rasmiga ah, oodkac(mur-mure) waa hilib la googooyay oo geel,adhi ama lo’ ah, saro waxay u eegtahay casiidada waxa kale oo kusoo raaxaysatay qaxwaha qaab soomaali, soomaalidu xabada qahwaha ah ayay ku kululeeyaan saliid oo lagu magacaabaa bu,waxaanay u cunaan sida fuulka suudaaniga.
Muqdisho waxay ahayd mid six ad dhaafa u koraysa horumaraysana amni la’aan qaraxyada awgeed, waxay aad u eegtahay khartoun iyo N’Djamena waanay ka saraysaa koritaanka iyo dhismaha, cimilada badwayanta hindiya iyo tan badda cas waxay ka dhigeen mid cajiiba iyo gaar nimo ayku gaartahay inay tahay tan ku teedsan xeebta badwaynta ugu way nee Africa.
Intaan ku sii guda jiray wadada hotelka Elite ee saran badda waxaan marnay taalada hooyada soomaaliyeed ee xaawa taako.
Waxa kale oo aan kusoo wareegnay barxada taalada dhagax tuurka, bulshada soomaaliyeed waa bulshooyinkii ugu horeeyay eek u kacay dhagax(ku dagaalamid), waxana diley dagaal yahankan burtuqiisakii,waxanan xaadiray masjidka isbahaysiga, waana qoora qooreynay shabahaada kuwii ugu horeeyayee qalinjabiayay kuwaasi oo ahaa kuwii wadanka ka xoreeyay gumaystaha.
Intaa kadib waxaan qaadanay saacado inaan iska war-wareegno xeebta anagoo siimarayna maqaaxi si aan shah uga cabno, booqashooyin quruxbadan oo aan la iloobi Karin la socoshada khalifa cabdulqadir calaama cusman xadhig, iyo mid kale Raisal wasaarihii hore cali gedi iyo sheikh cali wajiz, iyo gudoomiyaha maxkamada ee banadir muse macalin kaasoo inta badan nala duubay booqashooyinka sifiicana noogu sheekaynayay.
(1) sando, daaru musawaraat linashri wa tawsiic,tabcatu thalisah(2019), Khartoum, sudan
5 february
Qalam: Adam Yousuf
Waxaa Turjumay: Abdikari Gedi

TOP